4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Wariye ka howlgalla Muqdisho oo la xiray

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) –  Hay'adda dambi baarista Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay wariye lagu magacaabo Cali Aadan Muumin oo ka howlgalla caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay warbaahinta uu ka howlgallayay ee Goobjoog Media.

Suxufiga ayaa ka hor inta aan lagu xirin xarunta CID-da waxaa la gaarsiiyay warbaahinta uu la shaqeynayay ee Goobjoog warqad loogu yeerayo inuu tago xarunta dambi baarista, iyadoo markii uu maanta tagay lagu wargeliyay inuu xiranyahay.

Qoyska wariyaha oo ku booqday halka uu ku xiranyahay ayaa sheegay inay dacwad ka soo gudbisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, maalinta Arbacada ahna maxkamad la horkeeni doono.

Cali Aadan Muumin , wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta baraha bulshada ku soo bandhiga dhacdooyinka Muqdisho, waxaana hadda warar la helayo ay sheegayaan in wasaaradda waxbarashada ay ku soo eedeysay warar uu ka baahiyay imtixaannadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee shalay dib u furmay.

Ma jirto warbixin ka soo baxday hay'adda CID-da oo lagu sharraxay eedeymaha loo heysto wariyaha.

"Goobjoog Media Group waxaa ay ka walaacsan xaaladda weriyaha, waxaa ay codsaneysaa in hay’adda CID-da ay la wadaagto sababta rasmiga ah ee loo xiray, waxaa ayna sidoo kale dalbaneysaa sii-deyntiisa." ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta Goobjoog oo wariyaha uu ka howlgallayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]