4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
RW Khayre oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda Muqdisho

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo xalay lagu qabtay taliska qeybta guud ee Booliska gobalka Banaadir.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin iyo tallooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hay’adaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]