4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Mas'uuliyiinta dowladda federaalka oo laga dalbaday in aysan ka qeyb galin shirarka ka dhacaya Nairobi

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatey Madaxdeeda in aysan ka qeyb galin shirarka ka dhacaya  Nairobi oo uu  ka mid yahay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey oo la filayo in uu furo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta , sida ay baahisay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya. Balse sida ay oggaatay Hiiraan Online Wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeybgali doona  shirka ay soo agaasintay hay’adda UN HABITAT oo ka dhici doona Nairobi.

Warqad uu qorey agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Xaashi ayuu wuxuu ku wargaliyey dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey, deeq bixiyayaasha iyo dhammaan inta ay shaqa waddaagta yihiin in aysan ka qeyb galayen shirarka ka dhacaya Nairobi.

"Wasaaraddu waxey ogaysiinaysaa dhammaan inta ay bahwadaagta yihiin in aysan shaqalaheedu ka qeybgali doonin shirarka, kullamada, tababarrada qorsheysan ama soo socda ee ka dhici lahaa Niarobi." ayaa lagu yiri qoraalka.

Nuqul ka mid ah warqadda ka soo baxdey wasaaradda caafimaadka Sooomaaliya oo ay heshay Hiiraan Online ayaa  waxaa kale oo ku xusnaa in wasaaraddu ka codsatay bahwadaagteeda caalamiga in aysan la shaqeyn dowladda Kenya balse badalkeeda kulamada iyo shirarkaba loo wareejiyo waddamo kale.

Tani waxey imanaysaa kaddib markii dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, dabadeedna ay dowladda Kenya ku xanibtay madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

“Sababtoo ah arrimaha socdaalka ugu dambeeyay ee ay soo saartey dowladda Kenya. Wasaaraddu waxaa ay si weyn ugu dhiirrigelinaysaa in shirarka iyo kulmada lagu qabto waddanka gudihiisa ama loo wareejiyo dalal kale si ay u fududaato in ay safran wakiilada Wasaaraddu." ayuu ku daray qoraalka wasaaradda caafimaadka.

Waxa aan weli caddeyn waa haddii warqaddu ahayd calaamad muujinaysa isbeddel diblomaasiyadeed oo udhaxeeya labada dal ama dhoola tus awoodeed. Hase yeeshee, dhammaan fallanqaynta warbaahinta iyo wareysiyada ay qaadeen Hiiraan Online, dareen caro leh ayay shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen tallaabooyinkii dhawaa ee ay  qaadey dowladda Kenya ee ka dhanka ahaa Soomaaliya. Intooda badan waxay taageereen mawqifka dowladda Federaalka ee ahaa inaysan ka qaybqaadan kulammada ka dhacaya Kenya illaa iyo inta duulimaad toos ka ah la soo celiyo lana xallinayo arrimada fiisaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]