4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Puntland: 27 dagaalyahan oo duqeyn looga dilay Al-Shabaab iyo Daacish

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) – Ku dhowaad soddan dagaallame oo ka tirsan A-Shabaab iyo Daacish ayaa lagu dilay lix duqeyn oo intii lagu jiray bishan uu  Marekanka ka fuliyay dhulka buuralayda ah ee bariga Puntland.

Lixdii howlgal ee u dambeeyay ayaa dhacay; 24-ki bishan May Mareykanka waxa uu duqeyn ku dilay Saddex Shabaab ah, halka 22-kii May uu dilay Laba Shabaab ah, isla 22-kii May wuxuu sidoo kale duqeyn ku dilay laba Daacish ah, 9-kii May wuxuu kaloo Mareykanka dilay Afar  Daacish ah, halka 8-dii May oo uu fuliyay duqeyntii u horreysay ee bishan uu ku dilay 13 Daacish ah.

Lama soo sheegin duqeymaha ka dhacay buuralayda Golis ee bariga Puntland wax shacab ah oo dhibaato ay ka soo gaartay, halkaas oo ay ku dhuumaleystaan dagaalyahannada Al-Shabaab iyo Daacish.

Duqeymahan ayaa sidoo kale muujinaya sida Marekanka uu u kordhiyay beegsiga Al-Shabaab iyo Daacish,iyadoo Puntland ay inta badan dalbato in gacan laga siiyo la-dagaallanka kooxahaa oo weerarro ka geysta gudaha magaalooyinka Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]