4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Puntland oo xiriirka u jartay dowladda Federaalka

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) –  Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeeysay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sharraxay qodobbadii soo dedejiyey burburkii shirkii Garoowe, kaasoo qabsoomay horraanta bishan. Qodobbada dhaliyay inuu shirka ku dhammaado iyada oo aan natiijo laga gaarin ayaa isugu jiray; xukuumadda oo diidday joojinta sharciyo aan laga talogelin dowlad-gobolleedyada oo ay iyado diyaarisay, khalifaadka Galmudug iyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020/2021.

Qaabka loo diyaariyay xeerarka kala ah doorashooyinka iyo batroolka ayaa lagu sheegay bayaanka inay baalmarsanaayeen dastuurka iyo nidaamka federaalka oo lagu eedeeyay xukuumadda in ay kasoo horjeedo. Intaas waxaa wehalisay in hoggaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ay isku fahmi waayeen qaabka loo qeysanayo deeqaha laga helo caalamka oo ay madaxda dalka isku kaliyeeshay qoondeynteeda.

Puntland ayaa isu imaatinkaasi fashilka ku dhammaaday kaddib waxay qaadatay go'aannada hoos ku xusan;

  • In aysan aqoonsan doonin sharciyadda ay soo diyaarisay xukuumadda federaalka ee hoos u dhigaya in dastuurka federaalka loo dhameystiro geeddi u socodka ku dhisan daah furnaan, latashiga maamullada iyo hannaanka loo dhanyahay.
  • In ay joojisay xiriirkii wadashaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka.
  • In ay soo saari doonto siyaasad cad oo ku wajahan dowlad-gobolleedyada dalka iyo beesha caalamka si loo maareeyo xaqiiqooyinka cusub ee siyaasadeed.
  • In ay ku baaqeyso in ay sii socdaan wada-hadallada tooska ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inta heshiis mideysan laga gaarayo.

Puntland ayaa dhanka kale, dowladda federaalka ugu baaqday inay xurmeyso dastuurka, joojisana sharciyada ay u gudbineyso Baarlamaanka iyo in ay wada-hadal toos ah la yeelato dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Maamul-gobolleedyada ayay cod dheer Puntland ugu dalbatay in ay u midoobaan adkeynta cilaaqaadkooda, wadashaqeynta iyo diyaarinta nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomeysa, sannadka 2020/2021.

Gabagabadii, waxaa ay Puntland ka dalbatay beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo in aysan aqoonsan sharciyada ay waddo xukuumadda iyo in ay xoojiyaan la xisaabtanka dowladda federaalka.

Go'aanka Puntland ayaa ku soo aadday xilli toddobaadkii hore dowlad-gobolleedyada, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ay ka soo horjeesteen habraaca doorashada ee ay soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka,iyadoo marka kale ay go'aammadan muujinayaan inuu halka ugu sarreysa joogo khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada. Ma jiro wali dowladda federaalka warbixin ka soo baxday oo looga hadlay go'aanka ay Puntland ku joojisay wada-shaqeyntii u dhaxeysay.

Hoos ka akhri nuqul ka mid ah bayaanka oo af Ingiriis ku qoran;

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]