4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Wasiir Cawad : Itoobiya waan kala hadalnay arinta ku saabsan khariirada muranka badan dhalisay

 

Talaado, May, 28, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay Wabsite-ka

Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya, waxaana arrintaa ka dhalashay muran iyo dood bulshadu ku soo bandhigeen baraha bulshada.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad,  ayaa VOA u sheegay in islamarkii ay ka war-heleen khariidadda la soo  daabacay ay xiriir la sameeyeen dowladda Itoobiya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaaradda Arrimaha dibeda Itoobiya ay  cudur-daar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan  baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday. 

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda raaligalin ka bixisay sawirka lagu baahiyay bogga Wasaarradda Arrimaha dibadda,  laakiin ma aysan sheegin sida ay khariiradan uga soo buuqatay websetka Wasaarradda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]