4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2019
Gaalkacyo : Gabar dhalinyaro ah oo xalay tooreey lagu dilay

 

Talaado, May, 28, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafadda Garsoor ayaa sheegaya in xalay rag dhalinyaro ah xalay toorey ku dileen mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan magaalada oo xiligaa sida la sheegay ka soo baxday tukashada Salaada Taraawiixda.

Nimco Cumar Shire ayaa u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray tooray laga galiyay dhuunta, waxaana goobta ka baxsaday raggii weerarka ku soo qaaday gabadha.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Gabadhaiyo sababta loo dilay, waxaana xusid mudan in horay sidan oo kale Gaalkacyo uga dhaceen falal dil iyo kufsi isugu jira oo lagula kacay hablo aad u da’yar.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac maamulka oo la xiriira dilka gabadha xalay la sheegay in tooreyda lagu weeraray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]