4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya oo Geneva uga qeybgashay shirka golaha guud ee Caafimaadka


Isniin, May, 27, 2019 (HOL)– Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,  Dr Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgashay shirka golaha guud ee Caafimaadka oo ay qabanqaabiso hay’adda adduunka u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

Wasiir Dr Fowsiyo Abiikar , ayaa hadal jeedin ku lahayd kulanka,iyadoo dhinaca kale shirar gaar gaar ah la yeelatay mu'suuliyiinta shirka ka qeybgalay, waxaana shirarka ay ku saabsanaayeen ; istaratejiyada caamka ee kor u qaadidda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka; tayeynta iyo kor u qaadidda waxbarashada umuliso; kor u qaadidda xanaannada dhallaanka yar  ee jirran oo ku jira xaalad bani'aadanimo; cudurka shuban biyoodka; ciribtirka dabeysha iyo wixii horukac laga sameeyay caafimaadka guud.

Shirka ayaa inta uu socday, waxaa Soomaaliya loo doortay xubin ka mid ah guddiga golaha guud ee Caafimaadka. Howlaha ugu muhiimsan ee golaha caafimaadka ayaa ah dejinta siyaasadaha ururka, kormeerka  siyaasaddaha maaliyadeed, dib u eegis iyo ansaxin miisaaniyadda barnaamijka la soo jeediyay.

Dhinaca kale, wafdiga ay hoggaaminayso wasiir Dr Fowsiyo Abiikar , ayaa
shirar isdaba joog ah la yeeshay deeq bixiyayaasha Soomaaliya ka kaalmeeya caafimaad, hay’adaha Global Fund & GAVI ee ku howlan mashruucyada talaalka,TB,HIV/AIDS iyo cudurka Duumadda.

"Dowladda Sweden iyo hay’adda cafimaadka guud ee Sweden ayaa Soomaaliya ka kaalmeyn doona dhisida hay’adda qaran ee  caafimadka guud ( National Institute of Public Health)." Dr Fowsiyo Abiikar  ayaa sida sheegtay.

Shirka golaha guud ee Caafimaadka ayaa la soo gabagabeyn doonaa Talaadada berri ah, xilliga oo laga soo saari doono qaraar ku aaddan qodobbada shirka looga hadlay iyo natiijada ka soo baxday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]