4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Qarax ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Isniin, May 27, 2019 (HOL)-  Dhawaqa qarax ayaa laga maqlay goor dhow xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Warar laga helay dad ku dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu qarxay gaari la dhigay goob la dhigto gaadiidka oo ku taalla aargada Liido ee dagmada Cabdicasiis.

Lama xaqiijin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa,mana jirto warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka oo looga hadlay qaraxa ka dhacay xeebta loo-dabaashadka tago ee Liido.

Hay'adaha amniga ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe dadaal ku bixiyay xasillinta caasimadda,iyadoo dhammaan isgoysyada la dhigay ciidammo dheeraad ah oo ka tirsan booliska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]