Imtixaankii dowladda oo maanta dib uga bilaabanaya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) –Waxaa lagu wadaa in uu maanta uu dib uga furmo
guud ahaan marka marka la eego Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya
Imtixaankii dowladda [Shahaadiga] ee Ardeyda ka baxday Dugsiyada sare.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdulaahi
Goodax Barre ayaa bogga uu Internetka ku
shaaciyay in Imtaxaanku uu Isniinta billlaaban doono.
In kabadan 30,000 oo arday ayaa lagu
wadaa in ay u fariistaan imtixaanka kama dambaysta ah ee fasalka afraad.
Laakiin dhnaca kale marka la eego
Imtixaankan ma’aha mid dalka oo ka dhan ka dhacaya, waxaana horayba u qadaacay
oo diiday dowlad gobolleedka Puntland, sidoo kale Imtixaankan ayaa ka jirin
doonin deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Doodo badan ayaa ka dhashay imtixaanka la
baajiyay, dawladduna waxaa ay sheegtay in la xiray oo baaritaan lagu hayo qof
la shaqaynayay wasaaradda waxbarashada oo loo shakiyay in uu yahay qofka dibada
u soo saaray kana iibiyay Ardeyda maadooyinkii lagu galayay Imtixaanka ee
sababay in dib loo dhigo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]