4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2019
Barakacayaasha Qollaji oo deeq Raashin ah maanta lagaadhsiiyay

Axad, May, 26, 2019 (HOL) - Barakacayaasha ku sugan Qollaji oo katirsan Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lagaarsiiyay deeq raashin oo noocyadiisa kala duwan isugu jira.

Haddaba deeqdan raashinka ah ayaa waxaa soo gaadhsiiyay barakacayaasha masuuliyiinta degaanka oo uu horkacayo Wasiirka Madaxtooyada DDS Xasan daadhi.

Deeqdan ayaa qayb ka ahayd ballan qaadyo uu hadda ka hor Madaxwayne Mustafe cagjar usameeyay barakacayaasha ku sugan Qollaji.
 

Barakacayaasha degaanka ku sugan oo aad u badan ayaa inta badan aan ku filnayn deeqaha loo qaybiyo, iyadoo dawladduna ay dadaal badan samayso marwalba.