4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2019
Wefti ka socday Somaliland oo ka hadlay sababta ay ula shireen hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga WADA JIR ee Soomaaliya

 

Sabti, May 25,   2019  (HOL)- Gudoomiyaha mucaaradka ah ee Xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu doonayo inuu mucaaradka madaxweyne Farmaajo uu la shiro oo uu tobabar siiyo sidii kursiga looga qaadi lahaa.

Sidaas waxa uu ka sheegay maanta markii ay ka soo laabteen dalka Kenya oo maalmahan dambe ku sugnaayeen wefti ka kala socda labada xisbii ee UCID iyo KULMIYE, waxaanay sheegeen inay la kulmeen qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka caawiyo doorashooyinka iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Kenya oo ay kulamo la yeesheen.

“Wasiirku lama kulmin ee aniga la kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wasiirku anagoo dhamaysanay ayuu noo yimid oo uu shaah ku cabayey meesha, waxaan idin sheegaya cadowgaaga cadowgii waa saaxiibkaa, Farmaajo inaga ayuu jabhado inoo samaystay, laakiin anagu si ilbaxnimo ku jirto ayaanu mucaaradkooda la sheekaysanaynaa oo anaguba mucaarad baanu nahoo wax baanu baraynaa sidii Farmaajo looga takhalusi lahaa baanu ka shaqaynaynaa iyo wixii inagu xun baa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey su’aal ahayd maxay xukuumaddu ula kulantay siyaasiyiinta Soomaaliya maadaama oo xisbiyada WADDANI marka la kulmaan la cambaareeyo.

Faysal waxa kale oo uu ka jawaabay marka uu Xisbiga WADANI la kulmo siyaasiyiin soomaaliya maxa loogu eedeeyaa inuu Soomaaliya doonayo ee idinka yaa idiin xalaaleeyey la kulankiina, waxaanu ku yidhi “WADDANI waa Cirro oo wali maad aragteen isagoo lagu sawiray isagoo la jooga Farmaajo, isagu hoos hoos buu ula shiraa wax wanaagsana kama sheego dalka, laakiin anagu UCID ahaan waanu la doodnaa oo wax wanaagsan baanu dalka ka sheegnaa, hadii aanu wax qarineen xalaal iftiin baa la qashaaye muu cadeeyo inuu la kulmay.”

Sidoo kale, wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa weftiga iyo xubnaha la kulmay gudoomiyaha xisbiga WADANI JIR ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna sidan ku jawaabay “Soomaaliya jabhado hubaysan oo rag la garanayaa ku jiraan ayaa Farmaajo u samaystay Somaliland, cid dawlada Farmaajo mucaarad ku ah hadii Somaliland la kulanto dambi maaha”

Dhinaca kale, weftiga labaddan xisbi waxay sheegeen inay xidhiidh dhow la sameeyeen dawlada Kenya oo ay Hargeysa xafiis ka furan doonaan dawladda Kenya, sidoo kale, waxay la kulmeen dalalka Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ay u sheegeen inay labadooda xisbi diyaar u yihiin inay doorasho galaan.

“dawlada Kenya laba kulan baanu la yeelanay, waxaanu la kulany gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya iyo gudoomiyaha mucaaradka ah ee KENYA Raila Odinga oo isagu hore u yimid Hargeysa, waxaana ka wada hadalnay sidii xidhiidhka labadda dal loo sii balaadhin lahaa”ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa isaguna kulamadii Kenya ay la yeesheen soo dhoweeyey Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi ““dabeel fiican baa jirta oo aan ku iman dadaal ee dadkaasi masaakiinta ah ku timid quluubtoodda ee sodanka sanoo aan ictiraaf hayn, sodon kalena dhibaataysana ee halganka adag ku jireen, qodobo fiican baanu la soo gaadhnay Kenya,waxaanu doonayna dalalkii Ingiriiska wada gumaysan jirey ee Ungandha, Kenya iyo Tansaaniyaba xidhiidh fiican la yeelanno.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.