Wasiir Kaahin : Somaliland kama faa’ideysaneyso khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) –Wasiirka
Wasarrada Arrimaha gudaha Somaliland Maxmed Kaahin Axmed oo maalmihii ugu
danbeeyayba isaga iyo wafdi la socda ku sugnaayeen magaalada Nairobi, ayaa
sheegay in ujeedada safarkoodu aheyn in ay ka faa’ideysanayaan khilaafka u
dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
“Annaga ma nihin kuwa ka dhex faa’ideystay xiisadaha labada dal. Waa arrin
u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha
Gudaha Somaliland.
Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Wasiir Kaahin in aysan laheyn siyaasad cad oo
sida uu hadalka u dhigay nabad iyo degenaasho kula noolaato wadamada dariska la
ah, waana tan keentay ayuu yiri marba ay qolo isku dhacaan.
“Soomaaliya wax kuma tartato Kenya ee Kenya ayaa haatan wax ku tarto Soomaaliya,”
ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, waxaana uu dhaliilay siyaaasada arrimaha
dibada Soomaaliya.
Wasiirka oo la hadlayay idaacada VOA ayaa sheegay in
khilaafkan haatan taagan uu yahay mid u dhaxeeya labo dowladood oo sidaa
daraadeed loo baahan yahay in iyagu dhameystaan khilaafkooda.
Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in Magaalada Nairobi ay
kulamo kala duwan kula yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, islamarkaana ay
kala hadleen danaha Somaliland.