Ilhaan Cumar oo taageertay Xuquuqda dadka Isku Jinsiga ah ee Isku Galmooda
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)-Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa Aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.
Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo
gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka
Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku
jinsiga ah.
Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo
in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil
dhagax ah (rajmin).
Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda
Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor
tagto wax ay ku tilmaamtay "Naceybka iyo dulqaad la'aanta kala aragti
duwanaanta", sida ay hadalka u dhigtay.
Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah,
Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u
ololeyso arrimaha muslimiinta.
War qoraal ah oo ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka oo ay
kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku
tiri "Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in
lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan".
Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la
saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka
qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga
cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.
Xigasho BBC