Guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saartay howlaha Xajka sanadkan oo war soo saaray
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – War ka soo baxay
guddi dhawaan ay u magacaawday xukuumadda Soomaaliya arrimaha Xajka ayaa soo
saaray tirada Xujeyda sanadkan loo ogolaaday Soomaaliya in ay tagaan Xajka.
Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah xubnaha
guddiga oo warbaahinta u akhriyay qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa sheegay in
tirada Somaalida ee sanadkan loo ogolaaday in ay tagaan Xajka ay gaarayaan 11,500 ruux.
Waxaa kaloo uu intaa ku daray in 3-dii Bishan Apriil ay xukuumaddu go’aamisay go’aamisay in
Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka inay ku Shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka oo
hoostagaya marsada ayna ka qeyb galaan tartan furan oo ku dhisan fursan loo
siman yahay.
Waxaa uu intaa ku darray islamarkaana uu ka
hadlay qodob ay ka walacsanaayeem Xujeyda oo ah qiimaha,waxaana uu sheegay in
qiimaha Xajka ee sanadkaan uu yahay $3600 oo dollar halka qiimaha ugu sareeya
ee vip-da ay tahay 5,000 oo Dollar.
Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in tartankii la
galay ee Shirkadaha ay ku guuleysteen 58 shirkadood,isaga oo soo bandhigay
Magacyada Shirkadaha diyaaradaha ee guuleystay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]