4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, May, 14, 2019 (HOL)-  Dhawaqa qarax culus ayaa goor dhow laga maqlay degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

Warar kala duwan ayaa qaraxa ka soo baxaya,iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weerarray xarunta degmada Warta-nabadda.

Hay'adaha ammaanka ee dowladda iyo maamulka degmada Warta-nabadda ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay qaraxa ka dhacay aagga ammaankeeda aad loo adkeeyo ee ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa,si rasmi ahna wali looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay, wuxuu ku soo aaddaya  iyadoo ciidanka amniga ay howlgallo xasillin ah ka waddaan caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]