Hiiraan Online
4/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magacaabay Guddi Dhamays-tiraya Qorshaha Dayn Cafinta
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafinta dalka oo meel gebo gebo ah maraya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe.
Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]