5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2019
Xuska 18 May iyo xadhiga Xildhibaan Dhakool oo saamayn weyn ku yeeshay degmada Laas-caanood

 

Isniin, May, 13, 2019 (HOL)-Sanad kasta oo la xuso 18 May oo ah maalintii Somaliland u astaysay in  ay dib uga noqotay midowgii Soomaalida ee 1960kii ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka dhaca rabsho u dhexeeya Booliska  oo mararka qaar ay caawiyaan milaterigu iyo shacabka marka laga reebo labadii sano ee la soo dhaafay.

Sanadkan  oo ay ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dad badani qabeen in ay baaqatay balse waxaa la sheegay in ay dhacayso taas mar keliya weji kale yeelatay kadib markii Xildhibaan Dhakool oo dadka aad ugu fog ahaa Somalilandnimada uu hadalo ku lid ah 18 May warbaahinta ka jeediyey taas oo uu ku mutaystay xadhig.
 
Magaalada Laascaanood maraan la xidhiidhay masuuliyiinta wada qabanqaabada maalintaas ayaa waxa ay ii sheegeen in ay si wanaagsan u socoto, cabsina aanay ka qabin in rabshado ay ka dhashaan.
 
Dhinaca kale 18 May horaantoo sanadkii 2005tii ayaa maayinkii magaalada Laascaanood ee Puntland oo waqtigaa maamulka gacanta ku hayey Dr. Cabdirashiid Barkhadle uu u asteeyey maalinta nadaafadda taas oo noqotay mid markasta oo la xusayo gooni isu taaga Somaliland barbarkeeda laga bilaabo.

Xaafadaha qaarkood ayaa laga wadaa sida sidii loo xoojin lahaa maalinta nadaafada iyadoo warar xanshashaqana lagu helayo in dhaqaale badan ay qurbajoog ku bixinayaan sidii hawsha nadaafada loo xoojin lahaa.

Ismaandhaafka  labada May ayaa inta badan waxaa ku dhinta ama ku dhaawacma dadka rayidka ah waxaana qasaare soo gaadhaa ganacsatada yaryar illaa hadana xal loo heli karaa ma jiro.