4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Mareykanka : Waa in la baaraa ruqsadda duullimaadka diyaaradaha Boeing 737 Max la siiyey

 

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dib loo eego ruqsadda duullimaadka diaayaradaha Boeing 737 Max 8 sida ay ku heleen.

Go'aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli ay 5 bilood gudahood laba diyaaradood oo nooca 737 Max 8 ay burbureen, iyada oo ay khubarada ku xeel dheer arrimaha duullimaadyada diyaaradaha ay sheegayaan iney labada shil waxyaaba badan ay isaga egyihiin.

Wasiiradda gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa dambi baaraha guud ee Mareykanka ka dalbatay iney baaritaan ku sameeyaan sida loo bixiyey ruqsadda duullimaadka diyaaradahan.

"Baarayaashana loo baahan yahay iney aad u baaraan habka uu u shaqeeyo duulista diyaaradda iyaga oo ka duulaya hadalka shirkadda Boeing ka soo yeeray ee ahaa cusbooneysiin ayuu u baahan yahay nidaamka duulista diyaaradaha noocan ah.

Farriin qoraal ah oo wasiiradda Ms Chao u dirtay dambi baaraha guud Calvin Scoval waxay ku sheegtay iney dooneyso in wakaaladda duulimaadyada Federaalka ay ruqsadda duullimaadka diyaaradahaasi waddadii saxda ah ay u mareen in loo soo xaqiijiyo.

Marki ay toddobaadkii hore burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya, bishi October ee kal horana ay sida oo kale burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air, waxay su'aal ka dhalatay sababata ay wakhti dheer ugu qaadatay in diyaaradaha 737 Max duullimaadyada laga joojiyo.

Sida oo kale Europe iyo Canada waxay sheegeen iney u baahan yihiin iney ogaadaan badqabka diyaaradahaasi iyo in la adeegsan karo, iyada oo caalamka oo dhan ay ka imanayaan su'aala noocaasi oo diyaaradda la xidhiidha.

Wakaaladda Ammaanka Duullimaadyada diyaaradaha ee Yurub EASA waxay ballan qaadday iney dib u eegeyso wixi laga beddeli karo naqshadaha diyaaradaha.

"Waxayna sheegeen iney diyaaradaha 737 MAx 8 duullimaad u oggolaan doonin ilaa ay su'aalahooda jawaab waafi ah uga helaan dhanka shirkadda Boeing" ayuu yiri madaxa EASA Patrick Ky oo la hadlayey guddiga baarlamaanka Yurub.

Laba shil ee diyaaradeed oo dhacay waxaa ku dhimatay 346 qof, iyada oo aan ilaa iyo hadda caddeymo shilalkaasi waxa sababay muujinaya la helin, iyada oo ay khubarada Faransiiska ee baartay sanduuqa madoow ee xogta diyaaradda burbrutay ee Itoobiya laga helay ay muujineyso labada shil ee diyaaradaha ku dhacay iney wax badan isaga eg yihiin.

Shirkadda Boeing waxay sheegtay iney si buuxda ugala shaqeyneyso baaritaannada ay sameeynayaan baarayaasha ka socda dambi baaraha guud ee qaranka.

Xigasho BBC