4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Tirakoobka Dadka iyo Guryaha dalka Itoobiya oo dib loo dhigay

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Waxaa dib loo dhigay Tirakoobkii dadka iyo guryaha oo lafilayay inuu qabsoomo bisha soo socota ee April.

Lama oga waxa sababay dib u dhaca ku yimid tirakoobkan, waxaan sidoo kale la sheegin wakhtiga dib loo qaban doono tirakoobka dadka iyo guryaha ee guud ahaan dalka Itoobiya ka dhici lahaa.

Arrintan dib u dhaca hawlaha tirakoobka ayaa fursad u noqonaysa degaanka oo wali wax badan qabyo ka yahay sidoo kalena shacabka degaanku uusan si buuxda ugu qanacsanayn qaabka loo waday hawlaha diyaargarowga tirakoobka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]