4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Khasaaaraha dagaalkii degmada Xeraale oo kordhay

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Ugu 10 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Xeraale ee gobolka Galguduud, tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada ayaa sheegaya in ay dib uga laabteen ciidamadii xalay weerarka ku soo qaaday oo la sheegay in ay taabacsanaayeen maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Xeraale oo dadka shacabka ah meel fagaaro ah kula hadlay ayaa ka dalbaday in ay is dajiyaan islamarkaana dib guryahooda ugu laabtaan.

Ilaa iyo hadda ma la oga sababta keentay weerarka xalay lagu qaaday degmada Xeraale, waxaana maalmihii ugu danbeeyayba jiray khilaaf u dhaxeeya mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo labo garab kala noqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]