4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Dagaal ka dhacay degmada Xeraale ee gobolka Galguduud

 

Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Warar ka imanaya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaay in xalay saqdii dhexe uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku sugan degmada ayaa sheegaya in warbaahinta u sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug iyo maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka.

Waarar soo baxaya ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar ruux ay ku dhinteen dagaalka labada dhinac halka tiro ka badana ay ku dhaawacmeen,waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen inay weli cabsi dareemayaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug weerar ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa degmada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Galmudug iyo kan degmada Xeraale oo la xiriira dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]