4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Maamulka Hirshabeelle oo war ka soo saaray dagaallo culus ka dhacay degmada Cadalle

 

Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada degmada Cadalle ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beelleed.

“Waxaa ku baaqayaa in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedka degmada Cadale, marar badan ayay dadaal badan ku bixiyeen dowlad goboleedka Hir-Shabeelle sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedkaas,waana wax lag xumaado in uu si fudud ku daato dhiiga dadka walaalaha ah, waxaana diyaar u nahay inaan dhigno gogol nabadeed oo lagu xalinayo beelaha dagaalamaya ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maamulka ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo la doonayo sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedyadaas,waxaana uu ugu baaqay waxgaradka labada beelood inay si deg deg ah uga qeyb qaataan joojinta dagaalkaas.

Maalmihii ugu danbeeyayba deegaanka Cadalle waxaa ka soconayay dagaallo culus oo u dhaxeeyey labada maleeshiyo,,kuwaa oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]