4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2019
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo wali diidan in uu xilka wareejiyo

 

Axad, June, 09, 2019 (HOL) –Magaalada Beledweyne waxaa wali ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Wareegto ka soo baxday madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka guddoomiyaha gobolka loogu magacaabay Cali Maxamed Caraale.

Hasse ahaatee guddoomiyaha cusub ayaan wali xafiiska la wareegin kaddib markii uu arintaa ka biyo diiday Yuusuf Daba-geed oo gabi ahaanba sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.

Shir jaraa’id ayuu ka sheegay in xil ka qaadistiisa aan loo marin dariiq sharci, isaga oo intaa ku daray in uu is difaaci doono haddii leysku dayo in awood loo adeegsado si uu xafiiska u banneeyo.

Waxaa soconaya dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqan iyo saraakiisha dowladda oo la doonayo in xiisada lagu qaboojiyo, balse waxaa muuqanaya in wali dadaalladaasi noqon kuwo miro dhala.

Yuusuf Daba-geed ayaa dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan waxaana xilkan markii ugu danbeysay u magacaabay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Waare waxaana uu xilka kala wareegay guddoomiyihii isaga ka horeeyay Cali Jeyta Cismaan oo laftirkiisa ka biyo diiday in uu xilka wareejiyo.

“Qodobka 58aad ee Dastuurka Hir-shabeelle, Madaxweynaha awooddiisa wuu tilmaamaa wuxuu sheegayaa, haddii dalka ka maqan yahay, wuxuu bedeli karo ama magacaabi karo ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in Madaxweyne Waare uu ku sugan yahay magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cali Maxamed Caraale ayaa degan dhisme aan ka fogeyn halka xafiiska u ah guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Yuusuf Daba-geed, waxaana xusid mudan marar badan oo sida ay arrimuhu u cakirmeen in ay soo fara-galiyeen saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku hayay arimaha maamulka dhaqaalaha gobolka Hiiraan oo guddoomiyuhu uu ku eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle in uu si gaar ah ugu takri falo, laakiin waxaa arintaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mas’uuliyiinta maaliyada ee heer gobolka oo sheegay in nidaamka maaliyada gobolka uu maro dariiqii saxa ahaa islamarkaana jirin cid fara-galin ku heysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]