4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2019
Ingiriiska oo saldhig tababbar uu ku bixinayo ka furtay magaalada Baydhabo


Axad, June, 09, 2019 (HOL)–  Dowladda Ingiriiska ayaa saldhig ballaaran oo ciidammada lagu tababbari doono ka furtay magaalada Baydhabo, iyadoo munaasabad galinkii dambe ee Sabtidii lagu qabtay saldhigga uu daahfuray wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ,Xasan Cali Maxamed (Amardambe).

Danjiraha dowladda Britain ee Soomaaliya, Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ,Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro al-Shabaab.

Munaasabadda waxaa furitaanka saldhigga milatari  goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed, Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska.

Saldhiggan waxa uu ku dhex yaalaa gudaha gareoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaasoo garoon Milatari ah xiligii dowladdii dhexe ay ka jirtay dalka bur burkii ka hor,iyadoo halkii mar lagu tababbari karo illaa 120 askari.

Ujeeddada ay dowladda Ingiriiska ka leedahay hirgelinta saldhigga waxaa ay ku sheegtay safaaradda Muqdisho ay ku leeyihiin iney qeyb ka tahay qorshaha la doonayo in dalka looga saaro ciidammada AMISOM, waxaana Saldhiggan lagu tababari doonaa qeyb kamid ah askarta la doonayo iney amniga dalka la wareegto,waxaana durba la geeyay Saraakiil tababar siisa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Marekanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa horay saldhigyo ciidan ugu lahaa gudaha Soomaaliya,iyadoo saldhiggan u dambeeyay ee Ingiriisku noqonayo midkii afaaraad ee dalalka shisheeye ay ku leeyahay gudaha dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]