4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2019
Xildhibaannada dalka ka maqan oo la mudeeyay xilliga kama dambeysta ah ee laga doonayo inay ku soo xaroodaan Muqdisho

Axad, June, 09, 2019 (HOL)–  Xildhibaannada golaha shacabka ayaa loogu baaqay si dhaqso ah inay dalka ugu soo xaroodaan, xilli la mudeeyay waqtiga kama dambeysta ah ee laga doonayo inay Muqdisho ku soo laabtaan.

Baaqa ayaa yimid markii guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu go'aamiyaya xilliga uu dib u furmayo fadhiyada Baarlamaanka, kaddib kullan galinkii dambe ee Sabtidii shalay uu guddigu sheegay.

Kulanka oo uu guddoomiyaha ,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ayaa looga doodday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalfadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka Alle uu saaray.

Sidoo kale, guddiga joogtada ayaa ka hadlay kalafadhiga hadda lagu gudajiro agendihiisa in la dhammeystiro.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan.

Gabagabadii, Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ugu baaqay iney si deg deg ah ku soo laabtaan ka hor 15-ka bishaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]