4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2019
Dagaal culus oo AMISOM iyo Al-shabaab ku dhaxmaray degmada Jalalaqsi

 

Axad, June, 09, 2019 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaa uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar dhab-gal ah ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada Jabuuti waxaana halkaa ka bilaawday dagaal hub kala duwan leysku adeegsaday.

Al-Shabaab oo war ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada Jabuuti i, inkastoo laakiin waxaa warka arrintan ku saabsan beeniyay saraakiisha ciidamada dowladda ku sugan degmada Jalalaqsi, balse waxaa jira khasaare labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Jabuuti oo ku aadan dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]