Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada oo ka wada hadlay Amniga magaalada Muqdisho
Axad, June, 09, 2019 (HOL) – Kulan looga hadlayay
sidii loo dardargalin lahaa wax ka qabashada nabad-galyada magaalada Muqdisho
ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ku yeeshay maamulka gobolka iyo saraakiisha
ciidamada.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Duqa Muqdisho Eng
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada
Booliiska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi
Maxamed iyo qaar kale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada.
Shirka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray dardargelinta sugida
Amniga, Isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow
ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ciidamada in la daradargeliyo Sugida Amniga
Caasimadda, xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo
ay yaraadeen qaraxyadii inta badan ka dhici jiray, kaddib markii la xadiday
isku socodka magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]