4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Oo Kulan La qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka


Sabti, June, 08, 2019 (HOL) -  Madaxweyne ku-xigeenka , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan oo ka shaqaynaysa waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da'ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go'ay.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka.

"Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha waxaa la isla wadaagay xogta ilaa iyo haatan waxyaabihii qabsoomay, sida waxlooga qabtay waddooyinkii roobabku gooyeen oo loo sameeyey waddooyin qaab dhismeed kumeel gaar ah leh, si isu socodka gaadiidku si toos ah ugu socdo" ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada  Puntland Jaamac Dabaraani.

Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa boggaadiyey dedaallada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddigu iyo siday har iyo habeenba ugu heelanyihiin u adeegidda shacabkooda, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan shaqadaasi, ayna joogteeyaan kormeerka waddooyinka sida kumeel gaarka ah loo dhisay iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyaan guud ahaan waddada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]