4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari

Sabti, June, 08, 2019 (HOL) -  Dagaallamayaal ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Af Urur oo qiyaastii Boosaaso u jira in ka yar 70 km ,sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Wararka ayaa inta ku daraya in ciidanka Puntland ee saldhigga ku lahaa deegaanka ay isaga baxeen soddonkii bishii hore ee May deegaanka, taas oo dhalisay si nabadgalyo ah inay gudaha ugu soo galaan dagaalyahannada al-Shabaab.

Puntland wali faahfaahin kama aysan bixinin sababta ay ciidammada oogala baxday deegaankaas. Balse, dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah inay dagaalyahannada al-Shabaab ku suganyihiin saldhigga ciidammada Puntland ee deegaanka isaga baxay.

20 bishii Juun ee sannadkii 2017kii ayaa dagaal deegaanka ku dhexmaray al-Shabaab iyo Puntland waxaa ku dhinta askar badan oo ka tirsan ciidammada tababbarada milatariga la siiyo ee Puntland,iyadoo dhowr mar ay gacan ku heynta deegaanka isaga kala dambeeyeen ciidanka Puntland iyo dagaalyahannada al-Shabaab.

Madaxweynaha xilka haya ee Puntland, Siciid Deni ayaa doorashada ku galay inuu la-dagaallami doono al-Shabaab dib u habeyn ballaarana lagu sameyn doono ciidammada ammaanka, taas oo aan muuqan muddada lixda billood ah ee uu jiro maamulka madaxweyne Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]