4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Xubno ka tirsan mucaaradka Suudaan oo la xiray kaddib booqashadii Abiy ee Khartuum

Sabti, June, 08, 2019 (HOL) -  Saraakiil ka tirsan hoggaanka sare ee mucaaradka Suudaan ayaa la xiray sabtida maanta, kaddib booqashadii maalinta qaadatay ee dalkaas uu ku tagay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed .

Cidda la xiray ayaa ah labo xubnood, oo kala ah xoghayaha guud ee xisbiga dhaqdhaqaaqa xornima doonka waqooyi Ismaaciil Jallab iyo afhayeenka kooxaha hubeysan Mubarak Adol.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku daatay dhiig fara badan kaddib isku dhacyo u dhaxeeya dibad-baxayaasha iyo milatariga talada haya oo dib uga qarxay magaalada Khartuum.Labada dhinac ayaa waxaa dhexmaray wadahadalo aan mira dhalin.

Hoggaanka mucaaradka ayaa dalbanaya in lagu soo wareejiyo xukunka,balse Milatariga ayaa qaba in arintaan ay qaadaneyso muddo.

Xaaladda Suudaan ayaa laga deyrinayay tan iyo markii xilka laga tuuray bishii afaraad ee April madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir,iyadoo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo Khartuum kula kulmay dhinacyada ishaya ee dalka Suudaan ayaa ku booriyay madaxda milatariga iyo xubnaha mucaaradka in gaaraan heshiis dimuquraadiyadeed oo dalkaasi hormarin kara.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]