4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Wasiirka Boostada oo shaqada ka saaray xubin ka tirsanaa guddiga is-garsiinta oo ka soo muuqday xisbi siyaasadeed

Sabti, June, 08, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaqada ka eryay xubin ka tirsanaa guddiga madaxa bannaan ee is-garsiinta qaranka.

Cali Ibraahim Cali, oo ah sarkaalka shaqada laga saaray , wuxuu shaqadiisa ku waayay markii uu ka soo muuqday liiska xisbi siyaasadeed lagu magacaabo Horusocod oo la sheegay inuu aasaase iyo xubin firfircoon ka yahay.

"Waxaa laga qaaday Cali Ibraahim Cali xubinimadii hay'adda maamulka ee isgaarsiinta qaranka Soomaaliya oo uu ku matalayey siyaasadda wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, kaddib markii uu diiwaangeliyey xisbi siyaasadeed kana soo muuqdey saxaafadda isaga oo ku hadlaya magac xisbi siyaasadeed." ayaa lagu yiri wareegto uu ku saxiixnaa wasiirka Cabdi Canshuur oo ku taariikheys-neyd 25 bishii hore ee May.

Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa hore u magacaabey Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta waxa uuna ku dhisanyahay Sharciga Isgaarsiinta ee dhowaan uu ansixiyey Baarlamaanka JFS 2017, balse ma ahan Guddi dastuuri ah oo uu xubnihiisa ansixiyey baarlamaanka ama Golaha Wasiirrada, taas oo awood u siinaya wasiirka in uu wax kabeddel ku sameeyn karo ugu yarraan xubnaha ku metalaya siyaasadda Wasaaradda ee xubbinta ka noqonaya Guddiga.

Shaqaalaha dowladda ayaan loo ogaleyn arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada mucaaradka, sida ku cad xeerka guddiga shaqaalaha.

Hoos ka akhri wareegtada;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]