4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Nin Hurdo ku Qarwayay oo ka soo dhacay Dabaq ku yaal degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho

Sabti, June, 08, 2019 (HOL) - Nin da'ada afartanka ku jira ayaa xalay ka dhacay dhisme ku yaalla degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho,iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray.

Ninkan oo aan la soo bandhigin magaciisa ayaa la sheegay in xilliga uu soo dhacayay uu Qaraw ku jiray, waxaana saakay aroortii laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu deggenaa oo ku dhow Hotelka Muna.

Agaasimaha guud ee howlaha guud ee gobolka Banaadir, Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jirkiisa ka mid ah.

" Isbitaal ayuu hadda yaalla oo lagu dabiibaya .. waxaan rabaa inan ugu baaqo bulshada inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco." ayuu yiri Cabdifitaax Xalane .

Arrintan waxaa ay noqotay mid aad la isula wadaagay oo laga hadal hayo caasimadda Muqdisho, waana dhacdo naadir ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]