4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Maxamed Nuur oo lagu xukumay xarig 12 sanno iyo bar ah

Sabti, June, 08, 2019 (HOL) -   Maxamed Maxamuud  Nuur oo ahaa sarkaal Soomaali- Marekan ah horreyna uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis ayaa maxkamaddi ku ridey xukun 12 sanno iyo bar ah , waxaa bishii July ee 2017kii lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhimashada Justine Ruszczyk Damond oo u dhalatay Australia.

Xukunkan ayaa yimid kaddib markii xeerbeegti ka kooban 12 qof ay ku heleen inuu dil u gaystay haweenay u dhalatay dalka Australia. Kiiskan oo  muddo socday ayaa waxaa shaqadeeda ku weysay madaxii booliska Minneapolis.

Askariga waxa uu maxkamadda ka sheegay inuu raalli-gelin ka bixinayo dilkaasi, oo uu tilmaamay inuusan si ku-talagal ah u dilin Haweeneydaasi.

Qareenadda difacaayey askariga Somali-Maraykanka waxay xeer-beegtida maxkamadda ka codsadeen  inay eedeysanaha ku xukumaan hal sanno iyo hal maalin, kaddib markii uu garsoore ka tirsan maxkamadda Minneapolis uu horey ugu xukumay bishii April ee la soo dhaafay. Balse, Haweeneyda Garsooraha ka ahayd dacwadii shalay waxay Maxamed Maxamuud Nuur ku xukuntay xabsi dhan 12 sanno iyo bar.

Dhinaca kale, Jaaliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka waxay xukunkaasi ku tilmaameen mid xaq-darro ah, isla markaana Maxamed Maxamuud Nuur loo beegsaday dhalashadiisa, midabkiisa iyo  diintiisa.  Boqollaal Soomaali ah ayaana hor taagnaa barxadda maxkamadda, iyagoo ku dhawaaqayey hadallo ay ku codsanayeen inuu dib u helo xorriyadiisa Maxamed Maxamuud Nuur.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]