4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiye u magacaabay gobolka Hiiraan

 

Sabti, June, 08, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo uu xilka ka qaaday Yuusuf Axmed hagar Yuusuf Dabageed.

Tallaabadan xil ka qaadista ah ayaa timid kaddib uu eedeyn kulul u soo jeediyay Yuusuf Daba-geed Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku eedeeyay inuu doonayo in uu lunsado dhaqaalaha laga ururiyo shacabka gobolka Hiiraan.

Yuusuf Daba-geed ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle in dad ay isku jifo hoose yihiin uu u magacaabay nidaamka maaliyada gobolka, taasoo xadgudub ku ah ayuu yiri howlaha loo idmaday maamulka uu guddoomiyaha ka yahay.

Wareegtada magacaabista guddomiyaha cusub ee gobolka :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]