4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2019
Mas’uul caawa lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Jimco, June, 07, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan toogasho ku dileen guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka Gamboole.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in mas’uulkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Maxamed toogasho ku dileen rag hubeysan xiliggii Salaada Maqrib, kuwaa oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay goobta tageen, laakiin kuma aysan guuleysan in ay gacanta ku dhigaan kooxdii dilka ka danbeysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]