Wasiirka Maaliyad Somaliland oo si ku meelgaadh ah loogu dhiibay in uu sii maamulo wasaarad kale iyo buuqa ka dhashay
Jimco, June,07 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse
Biixi ayaa la sheegay in si ku meel gaadh ah wasiirka Maaliyadda ugu sii dhibay
wasaarada Qorsheynta qaranka oo wasiirkeedii xanuun awgi dibadda kaga maqan
yahay.
Wasaarada Qorsheynta intii uu
wasiirkeedii xanuunsanayey waxa ku sime ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada
Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, haseyeeshee hadda ayaa la sheegay in
wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire si ku meel gaadh ah loogu sii dhiibay
wasaaradda, taasina waxay dhalisay murana ka dib markii odayaal iyo siyaasiyiin
ka soo jeeda wasiir ku xigeenka deegaankiisa talaabadan ku tilmaameen mid lagu
yasayo,isla markaana ay ku macneeyeen in aan loo ogolayn in mudada yar ee
wasiirku ka maqan yahay wasiir ka noqdaan Somaliland.
Odayaashan hadlay ayaa wasiir ku
xigeenka ka dalbaday inuu is casilo mar hadii isaga shaqadii lagu aaminiyey
waayey.
Hadalkii haynta ugu badan ee
maalmahan waxay noqotay wasiirkaasi labada wasaaradood maamulaya iyo sababta ku
xigeenkii wasaaradda loogu diiday in uu ku sime ka sii noqdo oo shaqadii
wasiirka sii qabto.
Shacabka ayaa arrintan ku kala
aragti duwan, halka qaar ku doodayaan inay iska caadi tahay in wasiir kale sii
maamulo wasaarada mar hadii uu wasiirkii xanuunsanayo, halka qaar kale ku
doodayaan in aanay jirin in wasiir kale sii maamulo wasaarada mar hadii wasiir
ku xigeenkii joogo oo uu shaqadda uu sii qaban karo.
Illaa hada madaxweynaha iyo
wasiir ku xigeenka wasaarada Qorsheyntu Buuni kama hadal arrintan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.