4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2019
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan : Madaxweynaha Hirshabeelle qorshaha uu wax ku maamulayo waan diidnay

 

Jimco, June, 07, 2019 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa eedeyn kulul u jeediyay ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle isku qabteen sida uu hadalka u dhigay dhaqaalaha ka soo xarooda gobolka oo uu madaxweynuhu doonayo ayuu yiri in Account isaga u gaar ah lagu shubo.

‘’Annaga iyo madaxweynaha waxaa isku qabanay dhaqaalaha ka soo xarooda gobolka Hiiraan waa in Jowhar loo gudbiyo oo Account isaga u gaar ah lagu shubo, islamarkaana uu qorto shaqaale maaliyadadeed oo isaga u shaqeeya oo aan gobolka wax shaqo ah u qaban, waxaan u sheegay madaxweynaha sidaa in wax soconaya aheyn, loona baahan yahay in lacagta gobolka ka soo xaroota la og yahay halka ay marto iyo waxa bulshada laga qaaday loogu qabayo’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay uusan aheyn sida uu hadalka u dhigay mid isaga u gaar ah, laakiin ay ku mideysan yihiin guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

‘’Hadalka aan maanta warbaahinta la wadaagayo ma’aha go’aan Yuusuf Dabageed ee waa go’aan qaateen bulshada gobolka, oo odayaal leh, aqoonyahan leh, Ugaasyo leh oo aan Aniga wakiil uga ahay, waan diiday qorshaha uu doonayo in uu madaxweyne Waare wax ku maamulo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba kulamo adag ay ka jiraan magaalada Beledweyne oo u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo maamulka gobolka Hiiraan kuwaa oo intooda badan aan leysku afgaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]