4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2019
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo isku dilay Muqdisho

 

Jimco, June, 07, 2019 (HOL)- Wararka soo baxaya ayaa sheegaya  in sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed isu daldalay gudaha xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Cabdi Cali Seed oo darajadiisu aheyd Gaashaanle dhexe uu isku dhax daldalay kaddib markii la arkay meydkiisa oo  ka laad-laada xarig uu qoorta gashaday..

Waxaa goobta uu falka ka dhacay isugu soo baxay boqolaal dadweynaha ku dhaqan degmada Xamar-Jabab ah kuwaa oo siweyn uga argagaxay falka uu ku dhaqaaqay sarkaalka oo naftiisa gooyay.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee  uu isku dilay sarkaalkan, hasse ahaatee dad siweyn ay isugu dhawaayeen ayaa sheegay in waayadii ugu danbeeyayba uu ka cabanaya daruufo dhinaca nolasha ah oo la soo darsay, laakiin dhab ahaan lama xaqiijin in arinta uu ka cababaya xiriir la leedahay is daldalaadiisa.

Waxaa socda baaritaan ay wadaan ciidamada dambi baarista Booliska, iyadoo  meydkiisa saaka loo qaaday xarunta CID, si baaritaan loogu sameeyo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]