4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2019
Faahfaahin ka soo baxaysa darawal mooto Bajaaj oo duleedka Muqdisho lagu dilay

Jimco, June, 07, 2019 (HOL) –  Nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada mootada saddexda lug leh ee Bajaajta ayaa galinkii dambe ee khamiistii shalay lagu dilay duleedka Muqdisho, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Weydoow , waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la socday gaari nooca dagaalka ah oo ay sarnaayeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda.

"Mootada iyo gaariga ciidanka way is daba socdeen waxaan ka war helnay rasaasta dhacaysa." ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Ciidammada uu la socday askariga dilka geystay ayaa ku sii jeedday deegaanka Siinka Dheer,waxaana toogashada kaddib ay goobta isaga dhaqaaqeen ciidammadii dilka geystay, iyagoo aan wax gurmad ah u sameyn ninka ay dileen.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Warsame, ayaa meydkiisa waxaa xarunta baarista dambiya ee CID oo ku taalla Muqdisho garsiiyay eheladiisa, mana jirto warbixin ka soo baxday laamaha ammaanka oo dilkan looga hadlay.

Dilalka darawalada mooto Bajaajta ayaa muddooyinkii dambe ku soo batay magaalada Muqdisho,iyadoo inta badan ay geystaan ciidammo ka tirsan kuwa amniga ee dowladda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]