Munaasabada Aas –aaska ciidamada Qalabka sida ee Jabuuti oo lagu qabtay magaalada Beledweyne
Khamiis, June, 06, 2019 (HOL) –Munaasabadan
oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu soo maamusay 42 sano
guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada qalabka sida ee dalka Jamhuuriyada
Jabuuti.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka
gobolka Hiiraan, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeybgashay
xuska Aas-aaska ciidamada Jabuuti, kuwaa oo halkaa ka jeediyay eryo isugu jiray
amaan, dhiiri-galin iyo sida ay dowladda Jabuuti isku bar bartaagtay xiliyadii
adkaa bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo ugu danbeyntiina u soo diray ciidamo qeyb
ka noqdo soo celinta nabada.
Marka laga soo tago khubadaha
waxaa sidoo kale ay ciidamadu soo bandhigeen gaado-cayaar siweyn loo jecleystay
iyo sugaan siweyn u soo jiidatay ka qeybgalayaashii munaasabada xuska Aas-aaska
ciidamada Jabuuti.
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah
howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayuu saldhigooda ugu weyn yahay magaalada
Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyaga oo sidoo kale ku sugan degmooyinka
Buula-burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]