4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Madaxweynaha Shiinaha oo 30 mar booqday dalka Ruushka lixdii sanno ee dambeysay

Khamiis, June, 06, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa madaxweynaha dalka Ruushka,Vladimir Putin ku tilmaamay  in uuu yahay saaxiibkiisa ugu dhow,xilli uu booqasho saddex cisho ah ku joogo magaalada Moscow,halkaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha ganacsi iyo xiriirka labada dal.

Booqashada ayaa timid xilli Shiinaha iyo Mareykanka ay sii kordhayaan dagaaalka ganacsi ee u dhexeeya dhinacyadaasi,waxaana Ruushka waqtiaan ay dooneysaa in ay wanaajiso cilaaqaadka dalalka Bariga ka dib markii uu sii xumaaday xiriirkii uu la lahaa dalalka galbeedka.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheega in muddo lix sanno ah uu 30-jeer booqday dalka Raashiya,wuxuuna intaa ku daray in Vladimir Putin uu yahay saaxiib qaali ah oo ku weyn.

Xi Jinping iyo wafdi uu hoglaaminaayo ayaa maalunimadii shalay oo Arbaco aheyd gaaray magaalada Moscow,halkaas oo labada dhinac ay wada saxiixeen  heshiis ganacsi oo mug leh

Dhinaca kale Madaxweynaha daka Mareykanka ayaa soo saaray hanjabaad  cusub oo ku aaddan in haddii uu ka fursan waayo canshuur kale oo gaaeysa  $300 billyan  uu saarayo alaabaha ganacsi ee uu dhooofiyo Shiinaha,wuxuuna intaa raaciyay in Shiinaha uu ka rajenayo in ay wadahadal cusub ka galan arimaha ganacsi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]