4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Axmed Karaash: Haddii Muuse Biixi uu cunaqabateyn saaray Sanaag taas waa been annaga ayaa ka howlgalleyna

Khamiis, June, 06, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka hadlay arrinta ku aadday in madaxweynaha Soomaaliland uu cunaqabateyn saaray gobolka Sanaag, taas oo muddooyinkii dambe ay aad u hadalheysay warbaahinta.

Axmed Karaash, ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah  inay gobolka ka howlgallaan, si la mid ah hay'adaha Puntland ayuu u sheegay inay labbo-laaban howlihii gobolka laga fulin jiray.

"Muuse Biixi waxaa la yiri cunaqabateyn ayuu saaray Sanaag, ma uu saari karo, haddii uu saareyna annaga ka howlgaleyna ." ayuu yiri isagoo inta ku daray " Sanaag ma joogaan al-Shabaab Puntland iyo al-Shabaabna waa iyaga intaas is garacaaya dhankooda laga soo abaabulo oo ay joogaan."

Puntland iyo Soomaaliland ayaa muran dhuleed oo muddo dheer soo jiray uu ka dhaxeeya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]