4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Ciidamada Kenya oo gurigiisa kala baxay Dr Ibraahim Bursaliid

 

Khamiis, June, 06, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Nairobi  ayaa sheegaya in ciidamada Kenya gurigiisa kala baxeen habeenimadii xalay  Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Dr Bursaliid ayaa xalay laga kaxeystay gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo isaga ku dhow. "Waxaa tagay gurigiisa askar dhar cad ah oo soo u kexeeyay saldhig ciidan."

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo saaxiibo ay yihiin ayaa BBC Somali u xaqiijiyay xarigga, wuxuuna tilmaamay in ay qareenno u qabteen oo ay arrinta hadda ku howlan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in aan la ogeyn halka lala aaday, waxaana socda dadaalo lagu ogaanayo halka rasmi ahaan la geeyay.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta ka danbeysa xariga Aqooyahankan Soomaaliyeed, laakiin waxaa xusid in waayadii ugu danbeeyayba uu sii kordhayay cadaadiska dowladda Kenya ay ku heyso siyaasiyiinta Soomaaliyeed, inkastoo Dr Bursaliid uusan ka tirsaneyn waqtigan dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]