Ciidamada dowladda oo soo bandhigay sarkaal muddo 10 sano ah ka tirsanaa Al-shabaab oo ay qabteen
Khamiiis, June, 06, 2019 (HOL)- Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee
gobolka Jubbada hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay soo qabashada
sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab kaddib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda
Soomaaliya ee gobolka Jubbada hoose ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in
ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen sarkaalkan oo mudo ku dhan 10 snao ka bar
bar dagaalamayay Al-shabaab.
Ibraahim Lujeende Maxamed ayaa qeyb ka ahaa
weerarro dhowr ah oo ay Al-shabaab ku qadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada
dowladda, kuwa Jubbaland, iyo AMISOM, gaar ahaan weerarkii ugu danbeeeyay oo ay
xoogag ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka fariisin ciidamada
Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel
Cadde ee gobolka Gedo.
Ma jiro wali dhinacooda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab
marka laga soo tago sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa
Jubbaland.
Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka mid ah
meelaha ugu badan oo ay ka dagaalamaan xoogagga Al-shabaab waana deegaannada
inta badan lagu soo bandhigo xubnaha ka tirsan Al-shabaab qaarkood iskood isku
soo dhiiba, halka kuwa kalana lagu qabto howlgalo ay wada jir u fuliyaan
ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]