Shir weynaha shaqada caalamka oo ka furmay Geneva
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) –
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda
federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi
saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva
ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa
maanta ka furmay.
In ka badan 5,000
oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka
qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey'adda shaqaalaha adduunka.
Wasiirka shaqada
iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo
waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu
diiradda ku saarayo shaqo la'aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin
lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuur loo helo
dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir, Sadiiq ayaa
sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd
xubinnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay
dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeraan sannad walba dowladaha
xubnaha ka ah. Waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka
caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya.
Shir weynaha
shaqada caalamka ee maanta Geneva ka furmay ayaa socon doona illaa 21-da bishan
June.
Iman Mohamed Jama,
Hiiraan Online
[email protected]