Wasiirka Arrimaha dibedda Norway oo booqasho ku timid Muqdisho
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibeddadalka Norway Ine
Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Wasiirada ku
soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana kulan ku yeeshay gudaha
Garoonka.
Kulanka labada dhinac ayay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal,
Iskaashiga iyo arrimaha muhiimadda gaarka u ah hoggaamiyeyaasha labada dal.
Norway ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan
tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada
dalkaas, horayna madax uga soo noqday Hey’adda NRC.
Booqashadeeda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Norway ay xilligan saameyn ku
leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya, isla markaana dhowaan la ansixiyay
Sharciga Batroolka oo muran badan ka taagan yahay, kaddib markii ay diideen
maamul goboleedyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]