4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiiisiinta Galmudug oo lagu dhawaaqay

 

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug.

Xubnaha guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, iyadoo xubnaha ka dhex muuqday ay isugu jiraan xubno ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Siyaasiyiin hore iyo mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay.

Waxaa ka mid ah xubnaha Guddiga ka dhex muuqda Dr. C/raxmaan Baadiyow oo ah La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) Maxamed Nuur Gacal oo horay Wasiiru Dowle soo noqday iyo xubno kale.

Magacyada guddiga oo dhameystiran :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]