4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2019
Madaxweynaha Puntland oo ka digay dad uu sheegay inay dhallinyarada kicinayaan

Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digay wax uu ku sheegay in lagu wiiqayo hoggaanka bulshada.

Madaxweynaha Puntland oo suxufiyiinta kula hadlay Garoowe, ayaa inta ku daray inay jiraan dad uusan magacaabin oo kicinaya dhallinyarada.

“Waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hoggaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta 'Ku dayo Puntland' uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland eedeymaha uu jeeddiyay cidna dusha uma saarin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]