4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Ganacsato lagu dilay duleedka Jigjiga oo lagu Aasay maanta magaalada Jigjiga

 

Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Allaha ha u naxariistee waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Jigjiga labo ganacsade oo walaalo ahaa oo maanta gacan ka xaq daran ku dishay meel u dhaw magaalada Jigjiga oo Malawle lagu magacaabo.

Marxuumiintan ayaa waxaa dilay nin ay isku reer ahaayeen labada marxuum, waxayna is hayeen dhul, wuxuuna dilku dhacay galinkii hore ee maanta.

Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar oo aaska marxuumiinta joogay ayaa aad uga xumaaday dilka foosha xun ee dhacay maanta isagoo geesta kale tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadan marxuum ee walaalaha ahaa.

Dilalka noocan oo kale ah ayaa ku badan badanaa dhulalka ay isku hayaan dadka walaalaha ah ee wada dhashay ama isku qoyska ah walina ma jirto tallaabo cad oo ay dawladdu ku yaraynayso ama kusoo afjarayso arrimaha la xidhiidha dhulka ay isku hayaan dadka Shacabka ah.

Maamulka Hiiraan Online iyo Shaqaaluhuba waxay tacsi u dirayaan dadkii ay ka baxeen Xaaji Maxamed Cali Mahdi iyo Walaalkii Xaaji Yusuf Cali Mahdi oo maanta gacan ka xaqdarani ku dishay duleedka magaalada Jigjiga, waxaana lagu aasay Xabaalaha dudahide ee magaalada Jigjiga.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]